Maraykan:-Xiddigad Caan Ka Ah Mareykanka Oo Soo Bandhigtay Sirteeda

0
Wednesday March 20, 2019 - 09:10:00 in by salman abdi
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykan:-Xiddigad Caan Ka Ah Mareykanka Oo Soo Bandhigtay Sirteeda

    Maraykan:-Xiddigad Caan Ka Ah Mareykanka Oo Soo Bandhigtay Sirteeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykan:-Xiddigad Caan Ka Ah Mareykanka Oo Soo Bandhigtay Sirteeda Gabadha daadihisa barnaamijka maalinlaha ah ee dalka Mareykanka ka baxa, Wendy Williams, oo 54 jir ah,ayaa shaaca ka qaadday inay la tacaaleyso la qabsiga daroogada ayna ku nooshahay guryaha loogu talogalay in lagu dabiibo dadka ay daroogadu daashatay.


Ms Williams wax faahfaahin ah kama aysan bixin la qabsigeeda daroogada, balse waxay sheegtay in gurigaas ay ku nooleyd ay ka qarineysay qof walba, marka laga reebo wiilkeeda iyo seygeeda.


 

 

Waxay sheegtay in markeedii hore ay la tacaaleysay la qabsiga daroogada nooca cocaine-ta.


Ms Williams waxay sidoo kale madax ka tahay shirkad aan faa`iido-doon ahayn oo dadka barta saameynta daroogada, diiraddana saarta dhaqan-celinta iyo ka hortagga.


Mar ay Talaadadii ka hadleysay barnaamijkeeda, The Wendy Williams Show, ayay ku sheegtay inay habeen walba aadi jirtay guriga dhaqan-celinta loogu sameeyo.


"Waxaan ku noolaa gurigaas," ayay daawadayaasheeda u sheegtay. "Qofna ma uusan ogeyn - sababtoo ah markaan bannaanka joogo waxaan u muuqdaa qof dhammeystiran."


Mar walba barnamaijka kaddib, waxay Ms Williams sheegtay inay magaalada New York uga qyabgeli jirtay shirarka ku saabsan la qabsiga daroogada si ay dadka kale u caawiso, halkaasoo "dadku aysan ogeyn inaan ahay Wendy, wax dan ah kama laha inaan ahay Wendy".


Macallinkeeda ka caawiya joojinta daroogada ayaa geyn jiray guri ayay Ms Williams sheegtay inay kula noolaayeen "koox wiilal shiiraya oo ay weheshan jirtay ", iyadoo ay qasab tahay in habeen walba la yimaado 10-ka fiidnimo.


Caafimaadka Ms Williams ayaa wax la iska weydiiyay kaddib markii sanadkii 2017 ay suuxday iyadoo ka hadleysay barnaamij si toos ah hawada ugu jiray.

 


BBC.