Xog-Xasaasiyah:-Maxay Ka Wadda Hadleen Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay.

0
Wednesday March 20, 2019 - 10:51:39 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-Xasaasiyah:-Maxay Ka Wadda Hadleen Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay.

    Xog-Xasaasiyah:-Maxay Ka Wadda Hadleen Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-Xasaasiyah:-Maxay Ka Wadda Hadleen Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo socdaal ku jooga wadanka Qatar ayaa wada hadal la yeeshay amir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

 

Labada hogaamiye ee Qatar iyo Itoobiya ayaa falanqeeyey xidhiidhka u dhaxeeya dalalkooda iyo qaabka loo dardar gelin lahaa horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, dalxiiska iyo kaabayaasha dhaqaalaha.


 

 

Sidoo kale kulanka labada hogaamiye oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sarsare oo ka socda labada dal ayey isku waydaarsadeen aragtiyaha ay ka qabaan horumarka gobolka geeska Afrika iyo kan caalamiga ahba.


Raysal wasaaraha Itoobiya oo maanta gaadhay dalka Qatar waji cusub u yeelaya xidhiidhka dalkiisu la leeyahay dawlada Dooxa isaga oo doonaya in la sii kordhiyo iskaashiga ka dhaxeeya.


Booqashada uu raysal wasaaraha Itoobiya ku tagay wadanka Qatar ayaa ah midi ugu horaysay tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaanu masuuliyiinta wadankaas uga waramay talaabooyinka uu qaaday gaar ahaan xoriyada hadalka, heshiiskii uu Eritrea la gaadhay.


Guul laga gaadho xidhiidhka Doxa iyo Addis Ababa ayaa laga dareemi doonaa horumarka laga gaadhay balaadhinta xidhiidhka labada dal gaar ahaan danaha ay wadaagaan.