Eriterea oo Sheegtay inay Kulankii Labaad Arrimo Badan ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland
Warsidaha ShabaiteeWasaaradda Warfaafinta Eriterea, ayaa maanta daabacdaywar ku saabsan weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas, Cismaan Saalaxee maalintii labaad booqashada shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay warka lagu baahiyey shabakadda Shabaitoo ciwaankiisu ahaa"Weftiga sare ee ka socda Eriterea oo kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Somaliland.”
Qoraalka Warsidaha Shabait wuxuu u qornaa sidan:-
"Weftiga heerkiisu sareeyo ee ka socda Dawladda Eriterea oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cismaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eriterea Mr. Yeman Gebreab ayaa kulan labaad oo saacado socday saaka la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay si qoto-dheer uga wadahadleen Arrimihii ay kulankoodii koowaad ku falanqeeyeen.
Waxa kaloo Weftiga ka socda Eriterea ay kulamo la yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo xubno ka tirsan Golayaasha Guurtidda iyo Wakiillada Somaliland.
Sidoo kale, waxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xalay casho-sharaf ku maamuusayweftiga Eriterea.”
00252 24424148
252 2 9162495
Eriterea oo Sheegtay inay Kulankii Labaad Arrimo Badan ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland
Eriterea oo Sheegtay inay Kulankii Labaad Arrimo Badan ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland