Falastiin:Ciidanka Yuhuudda Oo Toogasho Ku Dilay Nin Falastiini Oo Aan Hubeysnayn

0
Thursday March 21, 2019 - 10:56:36 in by salman abdi
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiin:Ciidanka Yuhuudda Oo Toogasho Ku Dilay Nin Falastiini Oo Aan Hubeysnayn

    Falastiin:Ciidanka Yuhuudda Oo Toogasho Ku Dilay Nin Falastiini Oo Aan Hubeysnayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falastiin:Ciidanka Yuhuudda Oo Toogasho Ku Dilay Nin Falastiini Oo Aan Hubeysnayn

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Yuhuudda xalay toogteen Nin Flaastiin oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Baytu-laxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Axmed Jamaal Maxamuud oo 26-jir ayaa la sheegay inuu ku dhex jiray gaarigiisa, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda ku toogteen Jid-gooyo ay dhigteen waddada laga galo magaalladda Baytu-laxam.

Toogashadaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay Nin kale oo Falastiini oo gaariga la saarnaa Marxuumka la dilay.

Marxuumka lagu dilay Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday

Isbitaalka Bayt-jala, waana Marxuumkii 4-aad ee ay Askarta Yuhuudda dilaan labadi imaalmood ee la soo dhaafay.

Habeenkii Talaadada waxay Askarta Yuhuudda siyaabo kala duwan toogasho ugu dileen 3 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah.