Caalamka:-"Qof aan 30 sano dhaafin 'carruurnimo kama bixin"

0
Friday March 22, 2019 - 10:48:34 in by salman abdi
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-"Qof aan 30 sano dhaafin 'carruurnimo kama bixin"

    Caalamka:-"Qof aan 30 sano dhaafin 'carruurnimo kama bixin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-"Qof aan 30 sano dhaafin 'carruurnimo kama bixin"
Waligaa adigoo 20 sano jir ah ma lagu yidhi wali ma aadan qaan gaarin, ama ma u baahatay marmarsiiyo aad u sameyso sababta aad wali u jeceshahay filimada qosolka leh eek u jira internet-ka?
Hadda waxaa laga yaabaa inaad heshay sabab rasmi ah oo ku aaddan waxa adigoo da'daas jira aad ugu dhaqmi la'dahay sidii qof weyn.
Dadku si buuxda uma "qaan gaaraan" ilaa ay da'dooda dhaafto 30 sano, sida ay qabaan seynisyahannada dhinaca maskaxda.
'Qaaxada Maskaxda ayaan qabaa'
Dood ka taagan caafimaadka maskaxda Trump
Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray
Waqti xaadirkan inta badan dalalka caalamka, sida UK, wuxuu sharcigooda dhigayaa in qofku uu qaan gaar yahay marka uu gaaro 18 sano.
Laakiin khubarada Seyniska ee daraaseeya maskaxda iyo neerfaha ayaa sheegay in da'da lagu qaan gaaro ay qof walba u tahay mid gaar ah.
Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in dadku marka ay 18 sano jir yihiin ay wali maskaxdoodu sameyso isbadallo kala duwan, ayna suurtagal tahay inay ku abuurmaan xaalado la xiriira dhinaca caafimaadka dhimirka.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Seynisyahannadu waxay sheegayaan in qof walba ay si gaar ah isbaddal u sameyso maskaxdiisa
Barfasoor Peter Jones oo wax ka dhiga jaamacadda Cambridge ayaa yidhi: "Waxa aan runti sheegeyno waa qeexitaan caddeymo wata oo ku saabsan marka aad ka gudbeyso carruurnimada ee aad noqoneyso qof qaangaar ah".
"Waa qaab dhismeed isbaddala oo qaata muddo 30 sano ah", ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Waxay ila hadalay waxyaabaha la xiriira cilmiga sida waxbarashada, caafimaadka iyo sharciga waxay ku haboon yihiin in qeexitaan rasmi ah ay yeeshaan".
Marka ay da'daadu gaarto 18 sano, waxaad xaq u leedahay inaad cod ka dhiibato doorashada, inaad noloshaada go'aan ka gaarto, sidii qof weyn ayaana laguula dhaqmayaa marka ay dambi kugu helaan booliska.
Iyadoo ay arrintaas jirto, barfasoor Jones wuxuu sheegayaa in isagu uu aaminsan yahay in garsooreyaasha khibradda leh ay kala garanayaan farqiga u dhaxeeya dambiilaha 19 jirka ah iyo midka 30 sano dhaafay, marka ay isdifaacayaan.
Barfasoor Jones wuxuu ka mid yahay tiro khubaro ah oo ka qeyb qaadanaya shir ku saabsan arrimaha seyniska oo uu marti galinayo machadka seyniska ee ku yaalla magaalada Oxford.