Hooya malinwalba ku ooysa goobta ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya

0
Friday March 22, 2019 - 10:48:34 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooya malinwalba ku ooysa goobta ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya

    Hooya malinwalba ku ooysa goobta ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooya malinwalba ku ooysa goobta ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya
Wixi ka dambeeyey diyaaraddi burburtay ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya Sawirka sida weyn loo hadal hayo ayaa wuxuu yahay hooyada sawirka ka muuqato oo lagu magacaabo Mulunesh Bajige.
Sababta keentay hadal haynta hooyadan ayaa waxay tahay laga billaabo maalinti ay diyaaradda burburtay maalin walba waxay tagtaa goobti ay diyaaradda ku burburtay iyada oo halkaasi ku ooysa.
Arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay hooyadan iney diyaaraddaasi qof ehelkeeda aha ama qof ay garaneyso toona uga dhiman haddana si ay bani aadaminimo ku jirta ayay maalinwalba goobtaasi uga ooysaa iyada oo muujineyso sida ay uga xuntahay dhammaan dadki diyaaraddaasi ku nafwaayey.
Shilka Diyaaradda Itoobiya : Ma jirto cid ka badbaadday
Xog laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii Itoobiya
Hooyadan waxay ku nooshaha meel ku dhaw goobti ay diyaaradda ku burburtay oo ay ku naf waayeen 157-kii qof oo diyaaradda saarnaa.
Waxayna warbaahinta u sheegtay "wixi dhacdadi shilkaasi ka dambeeyey iney hurdo wanaagsan seexan masiibada markasta oo ay xusuusatana ay illinta ceshan kareyn".
Goobta uu shilka ka dhacay tuula 2km u jirta ayey ku nooshahay Mulunesh iyada oo maalin walba goobta ku ooyso haddana ay weli murugta ka bi'i la'dahay".
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Mulunesh Bajige
"Waxay hooyadan ka naxsan tahay, oo ay u murugooneysaa ayna u ooyneyso maalin walba ma aha muwaaddiniinta Itoobiya ee shilkaasi ku jiray oo keli ah balse waxay la tiiraayeysan tahay dhammaan dadki ku dhintay shilkaasi iyada oo si bani aadamiino ah ugu naxariisaneyso oo aan midab, diin iyo dal u kala saarin". ayuu yiri qof goob joog ah oo BBC u warramay.