Dawlada Soomaaliya Oo Xil Safiirnimo Ah U Magacawday Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Maamulka Puntland

0
Friday March 22, 2019 - 11:23:13 in by salman abdi
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Xil Safiirnimo Ah U Magacawday Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Maamulka Puntland

    Dawlada Soomaaliya Oo Xil Safiirnimo Ah U Magacawday Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Maamulka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Xil Safiirnimo Ah U Magacawday Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Maamulka Puntland

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa safiir u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay.

 

Warar soo baxay ayaa xaqiijiyey in dawlada dhexe ay xil safiirnimo ah u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cumar Camay, balse wali si rasmi ah looma shaacin wadanka uu safiirka ka noqon doono.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdixakiin Camay loo magacaabay safiirka soomaaliya ee wadanka Maraykanka halka warar kalana tibaaxayaan inuu qaban doono shaqada safaarada soomaaliya ee Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee waxa la xaqiijiyey in dawlada soomaaliya ay xil safiirnimo ah u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland.

Cabdixakiin Camay ayaa si weyn u taageeray dawlada federaalka ah ee soomaaliya wakhtigii uu madaxweyne ku xigeenka ka ahaa maamulka Puntland isaga oo si weyn uga horyimid madaxweyne Gaas iyo isbahaysigii uu abaabulay ee ay madaxda maamul goboleedyadu samaysteen.