Muqdisho:-"waan tixgalineynaa ciidamada mishaar la'aanta ka cabanaya"Wasiirka Gaashaandhigga

0
Friday March 22, 2019 - 16:39:26 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-"waan tixgalineynaa ciidamada mishaar la'aanta ka cabanaya"Wasiirka Gaashaandhigga

    Muqdisho:-"waan tixgalineynaa ciidamada mishaar la'aanta ka cabanaya"Wasiirka Gaashaandhigga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-"waan tixgalineynaa ciidamada mishaar la'aanta ka cabanaya"Wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed oo markii ugu horeysay ka hadlay gadoodka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mishaar la’aanta ka cabanaya ayaa sheegay in marnaba Wasiirradu raali ka noqon doonin la dulmiyo ciidamada.

Wuxuu sheegay in Wasaarradu u dhaga-nugshahay islamarkaana tixgalin doonto cabashada ciidamada haddii ay soo maraan wadada saxda ee ahaan aheyn in laga soo baxo agagga dagaalka.

 

"Aniga ka wasiir ahaan marnaba raali kama noqonayo in la dulmiyo shaqsi muwaadin Soomaaliyeed ama ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale ciidanka waajibaadka iyo aadaabta marka laga hadlayo waa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda”

” Qofka tabasho wuu yeelan karaa tabashadiisa meesha uu joogo inuu ku soo bandhigo waaye, askariga wuxuu leeyahay Taliye qeyb, Taliye urur uu leeyahay, wuxuu leeyahay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wixii tabasho ah waa in qoraal lagu soo gudbiyaa” ayuu sheegay Wasiirka.

Dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa isaga soo baxay deegaanno dhowr ay oo ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe , iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan iyo hadallo ka soo yeeray madaxda ugu sareysa dalka.

Ciidamadn ayaa sheegay in aysan marnaba dib ugu laaban doonin agaggii iyo deegaannadii ay ka soo baxeen ilaa la xalinayo tabashadooda ah in ay helaan xuquuqda ka maqan.