Goormay Dhamaanaysaa Mudo Xileedka Goleyaasha Deegaanada Dalka?

0
Friday March 22, 2019 - 17:52:32 in by salman abdi
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormay Dhamaanaysaa Mudo Xileedka Goleyaasha Deegaanada Dalka?

    Goormay Dhamaanaysaa Mudo Xileedka Goleyaasha Deegaanada Dalka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goormay Dhamaanaysaa Mudo Xileedka Goleyaasha Deegaanada Dalka?

Mudadii kordhinta ahayd ee loo sameeyey xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalka ayaa gaba gabo ku dhaw.

 


 

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa goleyaasha deegaanada dalka ka reebay mudo kordhintii codsigii mudo kordhinta oo uu ku dalbaday oo kaliya golaha wakiilada, talaabadaas oo dhalisay su,aalo ka yimid talaabada uu damacsan yahay inuu ka qaado.


 

 

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa soo bandhigay wakhtiga ay ku dhamaanayso mudo xileedka goleyaasha deegaanada dalka.


Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga waramay mudada u hadhsan goleyaasha deegaanada dalka, waxaanu yidhi:-


Goormay ku eegtahay mudo xileedka golayaasha deeganada?

Sida ku cad qodobka 20aad ee Xeerka Ismaamulada iyo Gobolada "Xilka Golehii hore ee Degamdu, wuxuu ku egyahay (14) Afar iyo toban cisho ka dib, maalinta Maxkamaddu ku dhawaaqdo Go’aanka Doorashada Mudanayaasha cusub.” Su’aasha sharci markaa waxaay noqonaysaa hadii aan doorashoba dhicin goormay ku eekaanaysaa? Waa arin inagu cusub (unprecedented). Waxase cad inaan mudo xileedka golayaasha hada joogaa aana ku eekayn 29 April ee uu ka horeeyo. Waxa taas daliil u ah doorashadu waxaay u astaysnayd 29 March. Markaas waxaay noqonaysaa in mudo xileedkeedu ku eegyahay taariikhdaas ama ugu badnaan laba todobaad kadib.