Thailand :-Dadweynaha Thailand Oo Sanado Kaddib Codeynaya

0
Sunday March 24, 2019 - 10:16:32 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Thailand :-Dadweynaha Thailand Oo Sanado Kaddib Codeynaya

    Thailand :-Dadweynaha Thailand Oo Sanado Kaddib Codeynaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thailand :-Dadweynaha Thailand Oo Sanado Kaddib Codeynaya

Ilaa 50 milyan oo qof ayaa u dareeray goobaha codbixinta ee dalka Thailand,

oo ay ka dhacayso doorashadii guud ee ugu horreysay tan iyo afgembigii sanadkii 2014.


Thailand waxaa hareeyay xasilooni darro siyaasadeed muddo sanado ah, taas oo ka dhalatay isku dhacyo dhex maray taageerayaasha milatariga iyo kuwa raysal wsaaarihii la afgembiyay ee Thaksin Shinawatra.


 

 

Kaddib markii uu milatariga xukunka la wareegay wuxuu ballan-qaaday inuu soo celin doono kala dambeynta iyo dimuqraadiyadda, balse dhowr jeer ayuu dib u dhigay doorashada.


Dad badan ayaa qaba in dastuurka cusub ee uu milatarigu soo saaray uu weli saameyn leeyahay, si walba oo ay natiijadu noqoto.


Tiro badan oo dad ah ayaa la filayaa inay codeeyaan doorashadan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2011.


In ka badan toddoba milyan oo qof oo ay da`doodu u dhaxeyso 18-26 ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday inay codeeyaan.


Boqorka Thailand Maha Vajiralongkorn ayaa ugu baaqay dadweynaha dalkaas inay ilaaliyaan nabadda iyo kala dambeynta.


Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya axsaabta taageersan milatariga iyo xulafada Mr Thaksin.

Sanadkii 2006 ayaa afgembi xukunka looga tuuray, wuxuuna ku nool yahay dibadda oo uu u baxsaday si aan dacwad loogu soo oogin. Balse wuxuu weli leeyahay taageerayaal badan.


Waxaa kaddib doorashadii sanadkii 2011 xilka raysal wasaaraha dalkaas ku guuleysatay Yingluck Shinawatra oo la dhalatay Thaksin, waxaa iyadana xukunka laga tuuray sanadkii 2014, iyadana sida walaalkeed ayay uga baxsatay dalkaas.

 


BBC