Maxaa Ka Jira In Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland

0
Sunday March 24, 2019 - 11:28:41 in by salman abdi
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland

    Maxaa Ka Jira In Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayey wararku waxay sheegayaan in xabsiga loo dhigay eedaymo musuq maasuq oo loo haysto.

 


Shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo isku dayday xaqiijinta warkan maadaama oo goor dambe oo habeenimo ah ay tahay, waxaana saraakiil ka tirsan xafiiska hanti dhawrka oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay iyo hawl wadeeno ka tirsan wasaarada warfaafintu waxay xaqiijiyeen inaan saacadan la cadayn Karin xadhiga wasiirka.


 

 

Sidoo kale masuuliyiintan aanu la xidhiidhnay ayaacadeeyey in wasiir Guribarwaaqo uu si ku meel gaadh ah xilkii wasaarada warfaafinta ugu wareejiyey wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in wasiir Guribarwaaqo uu subaxnimada Axada iska xaadirin doono maxkamada Hargeysa oo la horgeeyey eedaha loo haysto ee musuq maasuqa la xidhiidha.

Dhinaca kale wararka ayaa tibaaxay in hanti dhawraha guud ee qaranku uu si weyn ugu adkaystay in waaran qabasho ah loo geeyo wasiir Guribarwaaqo isaga oo ka horyimid in agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee xidhan iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta oo damiin ku jooga la horkeeno maxkamada labadooda oo kaliya.