Xaflada Xilwareejinta Maareeyaha Wakalada Biyaha Magaalada Berbera Oo Baaqatay Iyo Fadeexad Soo Foogsartay.
Waxa Magaalada Berbera Ka Qabsoomi Layd Xaflada Xil Wareejinta Maareeyaha Cusub Iyo Mareeyihii Hore Ee Wakaalada Biyaha Magalada Berbera Oo Baaqatay Ka Dib Markii Khilaaf soo Kala Dhex Galay Maamulka Cusub Ee Hada Xilka La Wareegay Iyo Kii Hore Ee Xilka Wareejinaya Oo Isku Maan Dhaafay Cadad Dhaqale Oo La Rabay In Lagu Wareejiyo Masuullka Cusub Balse Waxa Wareejintaas Dhaqalaha Ganafka Ku Dhuftay Maareeyaha Cusub ee Hada Wakalada La Wareegay.
Maray warbaahinta madax banaan Oo Isku Day Dayn In Ay La Xidhiidho Maareeyihii Hore Ee Xilka Ka dagay Axmed Aadan Ismaciil Oo aan Isku Daynay In aan Kula Xidhiidhano Telephanka Gacanta ee Uu Wato ayaany Noo Suuro Galin.
Geesta Kale Madashan Baaqatay Waxa Iska Soo xaadiray Maamulka Gobolka Saaxil Ka Degmada Berbera Iyo Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidanka Gobolka Saaxil Iyo Waliba Ururada Arimaha Bulshada Ganacasatada Lagu Soo Marti Qaday Goobta Ay Ka Dhacaysay Xaflada Xil Wareejinta.
Waxa Isna Goobtaas Ka Soo Xaadiray Badhsaabka Gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan Oo Ahaa Masuulka Ka Socoday Dawlada Dhex Balse Waxa Go,aan ah Kama Uusan Soo saarin Khilaafka Baajiyay Xaflada
Xogo Dheerad ah Oo Ay Helayso warbaahinta ayaa sheegay In Uu Xaflada lala Sugayo Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo La Filayo In Uu Yimado Maalinta Bari ah Magaalada Berbera
Ugu danbayntiina Bulshada Magaalada Berbera ayaa waxa ay Is Way Diinayaan Waxa Sabay Khilaafka Xili La soo Fadhiisatay Goobta Ay Xaflafu Dhacaysay Iyo Dhaqalaha La Isku Maan-dhaafay.
Wixii Warar ee Ka Soo Kordha Kala Soco warbaahinta Wararka Xil Wareejinta Maareeyaha Wakalada Biyaha
Berbera/office
Somaliland.
Xaflada Xilwareejinta Maareeyaha Wakalada Biyaha Magaalada Berbera Oo Baaqatay Iyo Fadeexad Soo Foogsartay.
Xaflada Xilwareejinta Maareeyaha Wakalada Biyaha Magaalada Berbera Oo Baaqatay Iyo Fadeexad Soo Foogsartay.