Madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qaybgalay Salaada Janaasada wasiir Saqar Ibraahim Oo Shalay Qarax Ku Geeriyaday.

0
Sunday March 24, 2019 - 17:55:25 in by salman abdi
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qaybgalay Salaada Janaasada wasiir Saqar Ibraahim Oo Shalay Qarax Ku Geeriyaday.

    Madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qaybgalay Salaada Janaasada wasiir Saqar Ibraahim Oo Shalay Qarax Ku Geeriyaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qaybgalay Salaada Janaasada wasiir Saqar Ibraahim Oo Shalay Qarax Ku Geeriyaday.
Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ee Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ku geeryooday weerar ay al-Shabaab ka geysteen Sabtidii shalay xarunta wasaaradda shaqada.

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra'iisal wasaare Kheyre, guddoomiyaha Baarlamaanka,xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiirro, ehelka Marxuumka iyo mas'uuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.