Venezuela:-Ruushka Oo Diyaarado Dagaal U Diray Venezuela

0
Monday March 25, 2019 - 10:12:27 in by salman abdi
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Venezuela:-Ruushka Oo Diyaarado Dagaal U Diray Venezuela

    Venezuela:-Ruushka Oo Diyaarado Dagaal U Diray Venezuela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Venezuela:-Ruushka Oo Diyaarado Dagaal U Diray Venezuela

Labo diyaaradood oo milatariga Ruushku ay leeyihiin ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee ugu wayn dalka Venezuela,kuwaas oo la sheegay in ay wadaan ciidammo iyo qalab badan.


Diyaaradaha ayaa loo diray "si ay u fuliyaan qandaraas milatari” sida ay ku warramay wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay.


 

 

Javier Mayorca oo ah saxafi reer Venezuela ayaa Twitterka ku soo qoray in uu arkay 100 askari iyo qalab 35 tan ah oo diyaarado laga soo dajinayo.


Ruushka ayaa wakhti dheer xulafo la ahaa dalka Venezuela, dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika ayayna amaahiyeen balaayiin doolar, waxayna garab qabteen shirkadaha shidaalka iyo milatariga Venezuela.


Ruushka ayaa dhanka kalana si wayn uga soo horjeedsaday cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda Venezuela ee uu madaxweynaha ka yahay Nicolás Maduro.

 


BBC