Hargaysa:-Halkay Ku Socotaa Sheeko Duur Xul Ah Oo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Soo Bandhigay?

0
Monday March 25, 2019 - 10:26:17 in by salman abdi
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Halkay Ku Socotaa Sheeko Duur Xul Ah Oo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Soo Bandhigay?

    Hargaysa:-Halkay Ku Socotaa Sheeko Duur Xul Ah Oo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Soo Bandhigay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:-Halkay Ku Socotaa Sheeko Duur Xul Ah Oo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Soo Bandhigay?

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa soo bandhigay sheeko duurxul ah oo laga dareemayo inay ku socoto madaxweyne Muuse Biixi iyo qaabka uu wax u wado.


 

 

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku soo bandhigay sheekadan duurxulka ah, waxaanay u dhignayd sidan:-

Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, oo wadaddii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray. Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay. Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!”
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen