Finland:-Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday

0
Tuesday March 26, 2019 - 09:59:32 in by salman abdi
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Finland:-Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday

    Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday

-Wasiir ka tirsan Dowladda Finland ayaa la sheegay in shalay la cabsi-geliyey, xilli uu ka qeyb galay Dibadbax Doorasho.

Booliska ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin uu u hanjabay Wasiirka oo isagu baxsaday iyadoo ayna dhawaacyo soo gaadhin.

Booliska ma ayna carabaabin magaca Wasiirka loo hanjabay, balse, Sawir-qaade sawiro ka soo qaaday Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Wasiirka la cabsi-geliyey ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Finland oo lagu magacaabo Timo Soini.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax hadal ah kama ayna bixinin arrintaasi.

Afhayeenad u hadashay Wasiir Timo Soini oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS la xidhiidhay wey ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaasi.

Warbaahinta iyo Booliska dalka Finland midna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin haddii Ninka weeraray Wasiirka uu hubeysnaa, kadib hanjabaadda uu Wasiirka ku siiyey Dhacdadaasi oo ka dhacday Suuqa ku yaalla Deegaanka Korso Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Helsinki.

Ciiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay garba-duub u xireen ninka weeraray Wasiirka, kaasi oo watay shaar madow oo ay ka muuqatay Calaamadda Koox ka soo horjeeda Muhaajiriinta ku nool dalka Finland, oo la magac baxeen Ciiddankii Odlin.