Masuulkii Labaad Ee Musuqmaasuq Loo Xidhay Oo Goor Dhawayd La Siidaayey.

0
Tuesday March 26, 2019 - 12:24:56 in by salman abdi
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuulkii Labaad Ee Musuqmaasuq Loo Xidhay Oo Goor Dhawayd La Siidaayey.

    Masuulkii Labaad Ee Musuqmaasuq Loo Xidhay Oo Goor Dhawayd La Siidaayey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuulkii Labaad Ee Musuqmaasuq Loo Xidhay Oo Goor Dhawayd La Siidaayey.

Ciidammada Booliska ayaa Xabsiga ka siidaayey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Maxamed Maxamuud oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.


Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay. Laakiin, ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa HCTV u sheegay in Isniinta Maanta lagu siidaayey Damiin.

Sidan oo kale, ayaa Damiin loogu siidaayey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.


Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku.