Codsi La Xidhiidha Eritrea Oo Madaxweynaha Djibouti U Gudbiyey Dhigiisa Faransiiska

0
Tuesday March 26, 2019 - 17:49:32 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Codsi La Xidhiidha Eritrea Oo Madaxweynaha Djibouti U Gudbiyey Dhigiisa Faransiiska

    Codsi La Xidhiidha Eritrea Oo Madaxweynaha Djibouti U Gudbiyey Dhigiisa Faransiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codsi La Xidhiidha Eritrea Oo Madaxweynaha Djibouti U Gudbiyey Dhigiisa Faransiiska

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka codsaday madaxweynaha Faransiiska oo dhawaan booqasho ku yimid gobalka Geeska Afrika inuu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed u soo jeediyo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya oo uu khilaaf xuduudeed u dhexeeyo.

 



 

Barta wararka ee Eritrean press, ayaa shalay baahisay xog ay soo xigatay oo ah in Madaxweyne Geele uu Madaxweyne Emmanuel Macron uu weydiistay inuu galo hawshaas dhexdhexaadinta Ereteriya iyo Djibouti, islamarkaana ciidamada badda ee uu Faransiisku ka caawinayo dhismahooda Itoobiya; saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan Ereteriya laga dhigin, "Djibouti ayaa weydiisatay Madaxweynaha Faransiiska inuu Rayslwasaaraha Itoobiya u bandhigo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya.” Ayay tidhi warbixintu,waxaanay intaas raaciyay, "Iyo in ciidanka badda ee Itoobiya ee mustaqbalka ee uu Faransiisku ka cawinayo horumarkiisa saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan laga dhigin saldhiga Ereteriya.”


Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhawaan dalka Djibouti ku yeeshay kulan, sidoo kalena Madaxweynaha Faransiiska ayaa kulan kale la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya iyagoo kala saxeexday heshiisyo uu ka mid yahay in Faransiisku ka caawiyo Itoobiya dhismaha iyo horumarinta ciidanka badda Itoobiya, iyadoo aanay Itoobiya lahayn wax bad ah.