Muqdisho:Somaliya Oo Markii U Horeysay Wajahaysa Culays Xaga Amniga Ah Iyo Xukuumada Farmaajo Oo Walaac Xoog lah Muujisay.

0
Friday March 29, 2019 - 15:56:31 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Somaliya Oo Markii U Horeysay Wajahaysa Culays Xaga Amniga Ah Iyo Xukuumada Farmaajo Oo Walaac Xoog lah Muujisay.

    Muqdisho:Somaliya Oo Markii U Horeysay Wajahaysa Culays Xaga Amniga Ah Iyo Xukuumada Farmaajo Oo Walaac Xoog lah Muujisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:Somaliya Oo Markii U Horeysay Wajahaysa Culays Xaga Amniga Ah Iyo Xukuumada Farmaajo Oo Walaac Xoog lah Muujisay. Laga soo bilaabo Sabtidii toddobaadkan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ugu yaraan 15 Qarax oo galaaftay nolasha dad isugu jiray mas'uuliyiin dowladdeed iyo Shacab.

Qaraxii ugu dhimashada badnaa shalay ayuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo kuna taala waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, waxaana qaraxaasi ku nafwaayay dad ku dhaw 20 ruux.

 

Sidoo kale Sabtidii toddobaadkan Qaraxyo is xigxigay oo ay Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay dad u badnaa shaqaale dowladdeed oo uu ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla.

Inkastoo dadka reer Muqdisho dhagahoodu ku cusbeyn maqalka Qarax-yada ayeey haddana kuwani noqdeen Musalsal aan dhamaad laheyn oo walwal iyo baqdin weyn ku ah dadka ku dhaqan magaalada oo ay u dheer-tahay digniinno la xiriira qaraxyo kale oo hor leh oo laga yaabo in ay dhacaan.

Dadka sida weyn ugu dhuun-daloola arrimaha Amniga ayaa qaba in Al-shabaab hadda awoodoodii isugu keeneen magaalada Muqdisho iyaga oo ka soo firxanaya duqeymaha iyo weerarrada joogtada ah ee diyaradaha Mareykanku ku hayaan.

Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn culeysyo uga imanaya dowladda dhinaca ciidamada qalabka sida oo waayadii ugu danbeeyayba si is daba joog ah uga soo baxayay furmaha dagaalka iyo deegaannadii ay gacanta ku hayeen iyaga oo cabanaya mushaar la’aan.

Qaraxyadan ugu danbeeyayna waxaa ay dhacayaan xili dowladdu mashquul ku tahay sidii ay maaro ugu heli laheyd nabad-galyada gudaha gaar ahaan magaalada Muqdisho oo isgoys walba aad ku arkeyso ciidamo taagan oo baaraya gaadiidka isticmaalaya iyo sidoo kale isbaddal lagu sameeyay taliyeyaashii ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Ujeeddada loo baddalay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii wax looga qaban lahaa habcsanaan dhinaca amaanka ah.

Arrimahan oo is biirsaday waxaa ay keeneen in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo siweyn loogu dhaliilo in ay ka soo bixin weyday ballanqaadkeedii ahaa in wax badan laga qaban doono nabad-galyada.

Xisbiyada mucaaradka qaarkood oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in la joogo waqtiggii madaxda Qaranku dib u soo celin lahaayeen amaannadii loo dhiibay oo ay Xisbiyadu u arkayaan in dowladdu ku fashalintay.

Laakiin haddana dhinaca kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu jeediyay maalin ka hor ku sheegay in muddadii labada sano aheyd oo ay jirtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay wax badan laga qabtay dhinac nabad-galyada marka la barbar dhigo dowladdihii isaga ka horeeyay.

Sikastaba Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-kii waxaa ay hadda u muuqdaan kuwo awoodoodii isugu keenay mar kale magaalada Muqdisho iyaga oo diirrada saaraya weerarro qorsheysan oo u badan Qaraxyo iyo kuwa toos ah oo lagu bartilmaameedsanayo dhismayaal iyo xarumo dowladdeed.