Uganda:-Nin Asagoo 6 Jir Ah Qoyskooda Dhul Laga Dhacay Oo Inta Garyaqaan Noqday Dhulkii Usoo Dhiciyey

0
Thursday April 04, 2019 - 09:45:46 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda:-Nin Asagoo 6 Jir Ah Qoyskooda Dhul Laga Dhacay Oo Inta Garyaqaan Noqday Dhulkii Usoo Dhiciyey

    Nin Asagoo 6 Jir Ah Qoyskooda Dhul Laga Dhacay Oo Inta Garyaqaan Noqday Dhulkii Usoo Dhiciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Asagoo 6 Jir Ah Qoyskooda Dhul Laga Dhacay Oo Inta Garyaqaan Noqday Dhulkii Usoo Dhiciyey
Nin reer Uganda ah, oo markuu lix jir ahaa aabbihiis dhul laga dhacay, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in uu dhulkii dib usoo celiyo 23sano kadib, kadib markii uu noqday gar yaqaan ama qareen.


Jordan Kinyera ayaa dhammaystay 18 sano oo waxbarasho ah iyo tababarro dhanka sharciga ah kahor inta aanu galin hawsha soo celinta dhulka.

 

 

Maxkamadda sare ayaa Isniintii qoyskiisa u xukuntay dhulkii laga dhacay.

Mr Kinyera ayaa BBC-da u sheegay in dhulkii qoyskiisa laga dhacay markii uu lix jirka ahaa uu noloshiisa wax badan ka baddalay.


"Waxaan go'aan ku gaaray in aan noqdo gar yaqaan waxaana arrintaas igu dhiirri galiyey dhacdooyin aan usoo joogay markii aan yaraa, iyo sidii ay duruufihii gallafsanaa u saameeyeen qoyskeena intii ay maxkamaddu socotay" ayuu yiri Mr Kinyera.


Aabihiis ayaa waxaa maxkamadda ka dacweeyey dad ay daris ahaayeen kadib markii ay dhul isku qabsadeen sanadkii 1996-dii waxa uuna kiiskaasi jiitameyey in ka badan labaatan sano.

"Aabbahay waxa uu ahaa hawlgab, mana aanu haysan wax dhaqaale ah. Wax dhaqaala ahna masoo gali jirin xilligaas. Waxa uu ku jiray xaalad adag waana midda aniga I dhiirri galisay".


Mr Kinyera ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay aabbihiis, oo muddo 23 sano ah aan dhiil dhacday toosin.

"Aabbahay waa 82 jir waxba kama uu qaban karo arrinta dhulka. Arrintu annaga caruurta ah ayay noo taal in aan kasii wadno halkii uu uga tagay."


Muranka dhanka dhulka ah ayaa aad uga jira dalka Uganda. Sida ay sheegeen kooxaha wax u qareema waxay arrintaasi saamayn ku yeelatay 33-50% oo ah mulkiilayaasha dhulka.


Sida uu BBC-da u sheegay Mr Kinyera, dad badan oo reer Uganda ah oo gudaha dalkaas ku barakacay ayaa markii ay guryahoodii dib ugu laabteen waxay la kulmeen muran dhanka dhulka ah.

 

BBC