Christchurch:-Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheenNinkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheen

0
Friday April 05, 2019 - 09:45:52 in by salman abdi
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Christchurch:-Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheenNinkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheen

    Christchurch:-Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Christchurch:-Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidka NZ Oo Ay Wax kasoo kordheen

Ninka loo heysto in 50 qof oo muslimiin ah ku laayay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ayaa lagu amray in uu maro baaritaan caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Waxaa tijaabo ka qaadi doona xeeldheerayaal xagga caafimaadka miyirka ah si loo ogaado in uu wajihi karo xeerbeegti dhagaysan doonta dacwadda loo heysto ee dil wadareedka.

Ninkan oo ku jira xabsi ayaa kasoo muuqday maxkamad isaga oo lagu soo xiriiriyay qalabka la'iska arko, waxaana maxkamadda wada fadhiyay ehelka dadkii uu laayay.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Brenton ayaanan wax hadal ah ka oran dhagaysiga dacwadda, balse aad u dhagaysanayay, balse ma uusan arki karayn dadkii maxkamadda fadhiyay.

Waxaa markale maxkamadda loo balamiyay 14 ka April.

Cumar Nabi waa mid ka mid ah ehelka dadkii la laayayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCumar Nabi waa mid ka mid ah ehelka dadkii la laayay

Cumar Nabi waxa uu weerarka ku waayay aabihiis, wuxuuna yiri "Waxaan rabnaa in ninkan la ciqaabo" .

Masaajidka LinwoodLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMasaajidka Linwood

Weerarkii uu ka geystay masaajidka Al Nuur kadib, waxa uu aaday masaajidka Linwood oo ah meesha labaad oo uu falka ka geystey.

Waxaa la sheegay in uu farsameeyay qasnadda qorigiisa, islamarkaasna weeyneeyay si ay u qaaddoo rasaas badan oo aysan durba uga go'in.

Waxaa hadda lagu hayaa xabsiga Auckland ee Paramoremo, halkaas oo la rumeysanyahay in uu yahay xabsiga ugu adag New Zealand.

Dad ka qeybgalay baroordiiqdii dadkii la laayayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDad ka qeybgalay baroordiiqdii dadkii la laayay