War deg Deg Ah:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Safar Deg Deg ug Baxay Imaaraadka+U Jeedka Safarkiisa.

0
Tuesday April 09, 2019 - 11:40:51 in by salman abdi
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg Deg Ah:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Safar Deg Deg ug Baxay Imaaraadka+U Jeedka Safarkiisa.

    War deg Deg Ah:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Safar Deg Deg ug Baxay Imaaraadka+U Jeedka Safarkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg Deg Ah:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Safar Deg Deg ug Baxay Imaaraadka+U Jeedka Safarkiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa

 

shalay safar shaqo ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 


 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ku sii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

 


Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 


Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

 


"Maanta oo bishu tahay April 08 2019 waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa i weheliya wafdi wasiiro ka kooban, waxaan rajaynayaa mudada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wadahadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa".

 


"Sidoo kale maadaama Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u imaan lahaayeen garoomaha Boosaaso iyo Garoowe iyo Arrimaha DP WOLRD, Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada oo ayana u baahan horumarin dhinaca ciidanka ah maadaama ay culays amni soo bateen, siday nooga taageeri lahaayeen in aan kala hadalno iyo arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha". Ayuu yiri Madaxweynuhu.