Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya

0
Tuesday April 09, 2019 - 17:09:45 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya

    Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Mar kale waxaa maanta isugu tagay Ilinka hore ee xarunta madax-tooyada Soomaaliya ciidankii hore ee naafadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo todobadkii hore sidan oo kale u dibadbaxay.

 

 

Banan-baxayaasha ayaa xirtay wadada, iyagoo diiday in la maro wadada laamiga, waxaana ay ku qeylinayeen in ay u baahan yihiin xuquuqdii dowladda siin jirtay.

 

Ciidamada naafadda ee dibadbaxa dhigaya ayaa ka mid ah ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed eek u naafoobay dagaalkii 1977kii ee dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya iyaga oo ku doodaya in aysan wax xuquuq ah helin.

Qaar ka mid ah Naafada ciidankii hore ayaa sheegay in madax-weynaha uu horay uga balan-qaaday in ay si joogto ah u helayaan xuquuqdooda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa jiray cabasho ka soo yeerayay ciidamada oo ku saabsanaa in aanay wax mushaar ah helin muddo bilo ah, waxaana jiray ciidamo ka soo baxay furimaha dagaalka.