Asmara:-Dawladda Ereteriya Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Geelle

0
Wednesday April 10, 2019 - 10:36:22 in by salman abdi
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asmara:-Dawladda Ereteriya Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Geelle

    Asmara:-Dawladda Ereteriya Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asmara:-Dawladda Ereteriya Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay wargeys Faransiis ah ayaa sheegay in ciidanka badda ee Itoobiya dhisanayso xaruntiisu noqonayso dekedda Masawa ee dalka Ereteriya sida ay baahisay warbaahinta Ertrean Press.

Arrintan ayaa guux ka abuurtay Ereteriya, islamarkaana waxa baraha bulshada kaga dareen celiyay saxaafadda iyo bulshada Ereteriya.

Wasiirka warfaafinta ee Ereteriya Yemane G. Meskel ayaa si kooban ugu jawaabay madaxweynaha Jabuuti Mr Geelle waxaanu sheegay in aanu garanayn goorta Geelle noqday afhayeenka Jabuuti laakiin, warka uu sheegay yahay been.

Sida laga soo xigtay waraysiga Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in madaxweynaha Faransiisku u sheegay in saldhigga Itoobiya ee ciidanka baddu noqonayo Masawa oo Ereteriya ah. Waxa saldhigga dhismihiisa iyo asaasidda ciidanka badda Itoobiya gacan ka gaysanaya dawladda Faransiiska.

Muddo dheer ayaa laga faalloonayay halka uu noqon doono fadhiisinka ciidanka badda ee Itoobiya doonayso in ay si dhakhso ah u dhisato taas oo uu dardar geliyay ra’isal wasaare Abiy Axmed kadib markii la kala diray markii Ereteriya ka go’day Itoobiya ee dalka Itoobiya noqday bilaa bad. Waddamada la filayay in saldhiggu noqdo waxaa ka mid ahayd Somaliland.