Hargaysa:Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

0
Thursday April 11, 2019 - 10:25:05 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

    Hargaysa:Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Hargeysa Amb Xuseen Cumar Kawaaliye.

Wasiir Faratoon oo qoraal kooban ka soo saaray kulanka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti yahay mid ku dhisan dhaqan wadaag iyo ganacsi xooggan "Waxaanu badanaba isku raacsanahay sii xoojinta xidhiidhka,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Ma cadda in kulankan ay soo dedejisay xiisadda todobaadkii la soo dhaafay ka dhex taagnayd ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti taas oo keentay in bulshada Somaliland si weyn u dhalliisho madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ganacsato isxilqaamay oo reer Somaliland ah ayaa dejiyay xiisadda kuna hawlan xal u helista arrimaha la isku hayo