Washiton:Jaaliyada Somaliland Ee Ku Nool Washinton, DC.Oo Wada Abaabul Balaadhan Oo Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Xuska 18KA MAY

0
Saturday April 13, 2019 - 18:23:52 in by salman abdi
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washiton:Jaaliyada Somaliland Ee Ku Nool Washinton, DC.Oo Wada Abaabul Balaadhan Oo Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Xuska 18KA MAY

    Washiton:Jaaliyada Somaliland Ee Ku Nool Washinton, DC.Oo Wada Abaabul Balaadhan Oo Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Xuska 18KA MAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washiton:Jaaliyada Somaliland Ee Ku Nool Washinton, DC.Oo Wada Abaabul Balaadhan Oo Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Xuska 18KA MAY Jaaliyada Somaliland Ee Ku Nool Washinton, DC.Oo Wada Abaabul Balaadhan Oo Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Xuska 18KA MAY

Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May, taasi oo ay marti ku noqon doonaan fanaanina kala ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE..
Gudida ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareen oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee () waxaanu qoraalku udhibnaa sidan:-


Jaaliyadda ku dhaqan agagaarka Washington, DC. USA, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 28aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay
 

inuu inoo yimaado fanaan waa-weyn oo caanka ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE oo ka iman doonna London, UK.

Maadaama aanu qorshaynayno in xafladani noqoto mid aad u heersaraysa, waxaanu idinka codsanaynaa inaad caruurtiina keentan si ay inoola qayb qaatan dabaal-degan muhiimka idinkoo u soo xidhaya astaamo muujinaya dharka dhaqanka Somaliland. Waxaanu filaynaa inaad fahamsantihiin muhiimada ay leedahay u dabaadega 28 guuraddii kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda, taas oo u baahan inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno inagoo muujinayna farxad iyo niyad wanaag. Xuska 18-ka May waa tiirka isku haya dadweyna reer Somaliland, iyaddoo xasuusta dhibtii adka Somaliand soo gaadhay, iyo in tii oo kale laska ilaaliyo.

Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahayFriday May 03, 2019saacada 7-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed.

Fanaaniintu waxay kaloo xuska 18 -ka May kala qayb galayaaApril 20, 2019, jaaliyadda reer Somaliland ee gobolka Menasota, Minneapolis.