London:Madaxii Wikileaks Oo Lagu Baaqay In Loo Mustaafuriyo Dalka SWEDEN

0
Sunday April 14, 2019 - 10:16:09 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    London:Madaxii Wikileaks Oo Lagu Baaqay In Loo Mustaafuriyo Dalka SWEDEN

    London:Madaxii Wikileaks Oo Lagu Baaqay In Loo Mustaafuriyo Dalka SWEDEN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London:Madaxii Wikileaks Oo Lagu Baaqay In Loo Mustaafuriyo Dalka SWEDEN

Xildhibaano gaadhaya 70 oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Xukuumada UK inay Julian Assange u tarxiisho dalka Sweden.

Julian Assange ayaa Khamiistii laga soo saaray Safaarada dalka Ecuador ee magaalada London, kadib markii wadankaasi uu ka xayuubiyey magangelyadii uu siiyey.

Assange ayaa tan iyo sanadkii 2012 ku dhex jiray safaarada Ecuador kadib markii lagu soo oogay dacwado uga socday dalalka Sweden iyo Maraykanka.

Ninkan Aasaasay shabakada Wikileaks ayey Maraykanka u heystaan inuu ka qeb qaatay xogtii laga jabsaday sirdoonka Maraykanka oo ay shaaciyeen, waxaa taasi garab socotay dacwad ay soo jeediyeen haween ku nool dalka Sweden oo sheegay inuu ninkan faroxumeeyey, dacwada Sweden ayuu Julian Assange sheegay inay tahay mid lasoo dhoob dhoobay oo ay ka danbeeyaan Maraykanka.

Julian Assange ayaa diidan in loo gacan gesho dowlada Maraykanka oo uu sheegay inay dil ku xukumeyso, walow Maraykanka arrintaasi beeniyey.

Xariga ninkan ayaa keenay dood weyn oo la xadhiidha xaquuqda ay saxaafada leedahay.

Wikileaks ayaa si weyn ugu soo shaac baxday faafinta xogta sirta ah oo uu sarkaal u shaqeenayey militariga Maraykanka soo xaday, xogtaasi oo banaanka keentay danbiyadii ay galeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Afghanistan.

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa ku doodeysa in Julian Assange si toos ah ugu lug lahaa jabsashada xogta sirdoonkooda, inkastoo aysan weli cadeyn dhameystiran soo bandhigin.

Isla Khamiistii ayaa la horgeeyey Julian Assange maxkamada London, waxaana la dhageystay dacwada kowaad oo ah inuu jabiyey Damiintii lagu siidaayey sanadkii 2012 xiligaasi oo uu galay safaarada Ecuador. Dacwadan ayaa la xariirta kiiska uga furan Sweden ee kufsiga ah.

Balse Maraykanka ayaa isaguna ka codsaday dowlada UK inay kusoo wareejiso si ay ugu maxkamadeyso dalkeeda arrintaasi oo ay si weyn uga soo horjeedaan qareenada u doodaya Mr.Assange