Washington:-Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Washington "DC" Ee Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlaya Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

0
Sunday April 14, 2019 - 11:49:38 in by salman abdi
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Washington "DC" Ee Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlaya Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

    Washington:-Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Washington "DC" Ee Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlaya Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Washington "DC" Ee Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlaya Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May. Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaanxuska sanad guurada 18ka May, taasi oo ay marti ku noqon doonaan fanaanina kala ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE.


Gudida ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareen oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah eeHadhwanaagnewwswaxaanu qoraalku udhibnaa sidan:-


 

 

Jaaliyadda ku dhaqan agagaarka Washington, DC. USA, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 28aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay inuu inoo yimaado fanaan waa-weyn oo caanka ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE oo ka iman doonna London, UK. Waxaa kale oo inagala soo qayb.


Maadaama aanu qorshaynayno in xafladani noqoto mid aad u heersaraysa, waxaanu idinka codsanaynaa inaad caruurtiina keentan si ay inoola qayb qaatan dabaal-degan muhiimka idinkoo u soo xidhaya astaamo muujinaya dharka dhaqanka Somaliland. Waxaanu filaynaa inaad fahamsantihiin muhiimada ay leedahay u dabaadega 28 guuraddii kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda, taas oo u baahan inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno inagoo muujinayna farxad iyo niyad wanaag. Xuska 18-ka May waa tiirka isku haya dadweyna reer Somaliland, iyaddoo xasuusta dhibtii adka Somaliand soo gaadhay, iyo in tii oo kale laska ilaaliyo.

Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahayFriday May 03, 2019saacada 7-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed.


Alleh Mehad Leh
Jamal Yusuf Daroor
Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC.