Toronto:Dawlada Canada Oo Xoojisay Cunoqabateyn Ay Saartay Dawladda Fansuweela

0
Tuesday April 16, 2019 - 10:55:44 in by salman abdi
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toronto:Dawlada Canada Oo Xoojisay Cunoqabateyn Ay Saartay Dawladda Fansuweela

    Dawlada Canada Oo Xoojisay Cunoqabateyn Ay Saartay Dawladda Fansuweela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Canada Oo Xoojisay Cunoqabateyn Ay Saartay Dawladda Fansuweela Dawladda Canada ayaa ballaadhisay cunaqabteyn ay ku soo rogtay xukuumada Finisweela,
sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay haweenayda wasiirka arrimaha dibada ka ah dalka Kanada.


 

 

Warka ayaa lagu sheegay in liiska lagu daray 34 qof oo aad ugu dhow madaxweyne Nikolos Maduuru oo ay dalal badan oo caalamka ahi diideen madaxtinimadiisa, inkasta oo aan Warka lagu sheegin magacyada 34-ka qof ee cusub ee liiska lagu daray, waxase lagu sheegay inay yihiin saraakiil xilal sare ka haya taliska Maduuru oo ay ka mid yihiin badhasaabo iyo xubno kale oo toos ula dagaalama dumuquraadiyada dalka Finisweela.


Dawlada Kanada ayaa hore u soo saartay 70 qof oo ay saartay cunaqabteyn oo kaalin weyn kaga jira xukuumada madaxweyne Maduuru, Xaalada siyaasadeed ee dalka Finisweela ayaa qasan muddooyinkii ugu dambeeyey, iyada oo dalal uu Maraykanku ugu tunweyn yahay ay madaxweyne ku meel gaadh ah u aqoonsadeen hogaamiyaha mucaaradka oo isagu isu caleemo saaray inuu yahay madaxweynaha dhabta ee dalka Finisweela.