Xagay Ku Dambaysay Dacwadii Musuq Maasuq Ee Loo Haystay Wasiiradii Warfaafinta Iyo Gaashaandhigu

0
Tuesday April 16, 2019 - 17:12:33 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagay Ku Dambaysay Dacwadii Musuq Maasuq Ee Loo Haystay Wasiiradii Warfaafinta Iyo Gaashaandhigu

    Xagay Ku Dambaysay Dacwadii Musuq Maasuq Ee Loo Haystay Wasiiradii Warfaafinta Iyo Gaashaandhigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xagay Ku Dambaysay Dacwadii Musuq Maasuq Ee Loo Haystay Wasiiradii Warfaafinta Iyo Gaashaandhigu

Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa Maxkamadaha ku eedaysay in ay si sharci darro ah u sii daayeen dad ku eedaysna Musuqmaasuq. ku-xigeenka xeer ilaayaha guud ee Qaranka ahna Madaxa Xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex Mawliid Cabdi Muuse ayaa telefishanka Horn Cable u sheegay in aanay maxkamaduhu raacayn xeerka.


 

Waxa kale oo la waydiiyay halka uu ku dambeeyay kiiska Musuqmaasuq ee wasiirradii xilka laga qaaday ee warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo gaashaandhigga Ciise Xawar waxaanu ku jawaabay "Walaahi faylkaa xeer ilaaliyaha guud ee qarankuna war-bixin ayuu uga bixiyey wuxuu yidhi kiiskan masuuliyadda ayaa naga saaran in aanu derisno oo anu eegno , runtii faylkaasi wuxuu u baahnaa caddaymo dheeri ah , waxaana lagu celiyey hanti dhawraha guud kolayna wixii ka dhiman maaddaama uu baadhis dheer gelayo wuxuu ku maqan yahay Hanti dhawraha Guud .”


Waxa uu ka hadlay khilaafka Maxkamadaha "Caqabad Ballaadhan oo naga haysata Maxakamaddahan gobolka Maroodijeex ee aanu wada shaqaynta leenahay, runtii waxa jira eedeysanayaal loo haystay inay ku tagri faleen hanti Qaran oo ay dhaceen Baanka Berbera oo muddo dheer dacwadoodu ay socotay, markii horena ay Maxakamaduhu dammaanad ka qadeen ilaa Maxakamadda Sarre, kiiskii markii uu dhaqaaqi waayey ay noqotay inuu Guddoomiyaha Maxakamada Maroodijeex uu damaanadii kala noqdo, runtii dacwadaasi markay socotey waxay dhinicii eedaysanayaashii dureen Guddoomiyaha waxaana loo wareejiyey garsoore Idiris Maxamed Maxamuud .”Ayuu yidhi Mawliid.


Waxaanu intaasi ku sii daray Xeer ilaaliyuhu "Annaggu xafiis ahaan markii aanu kiiskaa sifiican u dhaqaajinay ee caddaymihii markhaatiyadii iyo dhugmantiyaddii aanu Maxakamadda hor dhignay, ayaa waxa shalay suurtagashay markii la arkay inay dacwadaasi faynal noqonayso nimankiina ay yihiin niman caddaymaha iyo dhugmantiyadda iyo markhaatiyadda Maxakamadda usoo dhignaa ay yihiin qaar xooggan oo adag in nimankii dammaanad laga qaado oo dammaanad lagu sii daayo, taas oo annagu dareen ahaan aanu qabno inay tahay niman lagala ordaayo falkaa ay galeen, maaddaama oo hanti farabadan oo ka maqan Hay’adda kamid ah Hay’addaha Dowlada oo si cad loo dhacay Bangiga Berbera oo uu dhibanena ka yahay Bangiga dhexe, nimankaas oo iskugu jirey lixdaa eedeysane shaqaalle Bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay la leeyihiin gacan saar.”


Dhanka kalene xeer ilaaliyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qof eedo musuq-maasuq loo haysto ay Maxakamaduhu damaanad ku sii daayaan " Runtii waxa ayaan darro ah ,xeerka ka hor taga ku tagri falka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa xeer lambar 38/ 2007 ayaa la yidhaah , xeerkaa qodobkiisa 6 lixaad wuxuu dhigayaa wuxuu odhanayaa. Sarkaal guud ama qof kasta oo loo xidho lunsi ama ku tagrifal hanti qaran ha noqoto lacag cadaan ah jeegag Hanti guurta ah ama mid ma guurto ah, derejo kastaba ha-ahaatee waxa ka reeban in la dammiinto haba yaraatee inuu xadhiga iibsado ama cid kale u iibiso inuu ka faa’iidaysto cafis Madaxweyne’ mushkilada maanta taagani waxa weeyaan dadkii aanu xeerkaas kusoo eedaynay ee qodobkii sharci uu sidan u horyaalo ee uu leeyahay waar anniga la ima damiinan karro garsoorihii ayuu la hadlayaa xaakimkii , damaanad ma lihi xadhig la igama iibin karro cafis Madaxweyne la iigama faa’’iidayn karro, ayaa waxa noqotay in Maxakamaddihii ay si cad oo badheedh ah damaanad looga qaado, Maxakamadduhu waxa weeye ruuxdii sharciga waa waajib in ay ilaaliyaan xeerarka sharciga ah , waxa nasiib darro ah Maxakamaddihii sharciga ilaalin lahaa ee xaq dhawri lahaa inay iyagu ku tuntaan shuruucdii dalka .”Ayuu yidhi


Geesta kalene Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in lixdaa nin ay lacag boqol kun oo milyan ka dhaceen Baanka Berbera , waxaanu sheegay in Maxakamaddu ay shalay damaanad ku sii daysay "Lacagtu ma xadi ayey leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayey ku dhawdahay lacagtu ,waa kuwan xeer ilaaliyaashii kiiska hayey labadan nin Cali odey iyo Siciid waa nimankii juhdiga geliyey waa nimankii muddo dhan ku dedaalayey dacwadaa siday u dhaqaajin lahaayeen ee ummadda hantida qaranka sida cad u dhacay ee shaqaalaha Bangiga u shaqaynayey iyo sarif layaasha ku shuraakoobay hantida Qaranka inay hadhcad la maraan halkaa ,waxa weeye nimanka xeer ilaaliyaasha ahi hadh iyo habeen dedaal ayey ugu jireen maalintii ay is yidhaah-deen dacwadii wey dhaqaaq-day oo go’aan ayaa la gaadhayaana si cad ayaa loo sii daayey , markaa waxa weeye hanti farabadan ayaa ku maqan oo ay dhibane ka yihiin Bangigu hadh iyo habeen Bangigu wuu taagan yahay,maxay sidani u dhacday ayey leeyihiin , markaa waxa weeye waa mushkilad iyo jahawareer na haysta .”


Waxa kale oo uu sheegay xeer ilaaliyuhu in daamanad lagu sii daayey Maareeyihii hore ee madbacada qaranka oo loo haystay eedo musuq-maasuq, kaasi oo hadda aan la hor iman maxakamaadda "Caqabad weyn ayaa naga haysata damaanadaa wey jirtaa oo waxa ugu dambeeyey kii Madbacada in Maxakamadduhu ay damaanad ku sii daayeen ilaa Maxakamadda Sarre aanu la gelnay Maxakamaddii Sarrena ay ka ogolaatay in damaanada ay ku jiraan, iminka ayaanu xeer ilaaliyiihii ku qornaa ka wada hadlaynay intaas oo fadhi faylkii waa naloo soo gudbiyey Maxakamadda ayaanu u gudbinay garsoorayaal ayaa lagu qoray , Dacwad soconaysaa habayareetee ma jirto , waxa lalayahay kii damiintay maxbuuskii lama hayo waxa weeye jaha wareer ayaa naga haysta .”