War Deg Deg Ah:-Maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabtay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan Iyo Halka Ay Ku Taalo.

0
Tuesday April 16, 2019 - 17:12:33 in by salman abdi
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabtay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan Iyo Halka Ay Ku Taalo.

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabtay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan Iyo Halka Ay Ku Taalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabtay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan Iyo Halka Ay Ku Taalo.

Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, ayaa mas’uuliyiinta Hirshabelle, waxaa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi in ay qaadayaan tallaabooyin.

 

 

Wasiirka madaxtooyadda maamulka Hirshabelle Cabdullaahi Cadoow oo ayaa sheegay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley , xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhigayaan.

 

Cadoow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameysay eex ballaaran oo ku aadan saamiga yar ee la siiyay maamulka Hirshabelle, arrintaasina wax u qalma aysan aheyn maamulkooda.

"Waxaa socda haddii ay ku sii socdaan Hir-shabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, waxaan fureynaa dekedda Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley,xuduuda Banaadir waxaan gaynaynaa Ciidamadan doraad qabaa’ilka lagu tilmaamay, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa, waxaan rabnaa dowladnimo & cadaalad.” ayuu yiri wasiirka madaxtooyadda Hirshabelle.

Dowladda Federalka Somaliya ayaanan wali ka hadlin cabashada ay qabaan maamulka Hirshabelle ee ku aadan saamiga yar ee maamulkaasi uu sheegay in laga siiyay dhaqaale loogu talo galay gurmadka masiibooyinka.