Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer oo Gacanta ku dhigay Gaadhi Umblance ah oo la waayey dhowaan.

0
Friday October 03, 2014 - 19:10:14 in by salman abdi
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer oo Gacanta ku dhigay Gaadhi Umblance ah oo la waayey dhowaan.

    Ciidanka Ammaanka ee Magaalada Burco ayaa gacanta ku dhigay Gaadhi Ambulance ah oo ay leedahay degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ammaanka ee Magaalada Burco ayaa gacanta ku dhigay Gaadhi Ambulance ah oo ay leedahay degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer,

kaasoo muddo laba todobaad ka badan la la’aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, lana raadinayay.

Gaadhigan oo ay dhawaan Hay’adda Midair ku caawisay Degmadaas, isla markaana dadka ku bukooda meelaha ka baxsan Magaalada loogu soo qaadi jiray goobaha addeegyada caafimaadka ee degmada ama magaalada Burco, ayaa bilaysku ku qabteen isagoo ku xaraysan guri ku yaalla Xaafada Jarmalka ee Magaalada Burco.


 

Bilayska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii wadaha ka ahaa Gaadhiga iyo Nin kale oo guriga Gaadhiga laga qabtay joogay, kuwaasoo sida ay Saraakiisha Bilaysku ay xaqiijiyeen xabsiga loo taxaabay, baadhisinina ku socoto.

Waxa la sheegay in Darawalku, gaadhigan si ula kac ah ugu qariyay Guriga lagu qabtay, isla markaana uu in muddo ahba gaadhiga kala soo maqnaa deegaanka uu ka shaqaynayay. "toban cisho ayaa ka soo wareegtay markii aanu gaadhiga ka waynay degmada, balse waxa naloo sheegay inuu labaataneeyo maalmood maqnaa” sidaasi yidhi mid ka mid ah masuuliyiinta nabad-gelyada ee Degmada Duruqsi oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Dhinaca kale, tibaaxo aanu ka helnay dhacdadan, ayaa sheegaya in Gaadhigan Ambulance ka ah Khamri lagu soo gelin jiray Magaalada, khamrigaasoo lagaga soo qaadi jiray Magaalada Wajaale, kaddibna ilaa Burco lagu geyn jiray.

Saraakiisha Bilayska ee baadhaysa Kiiska Gaadhigan la qabtay, ayaa la soo xigtay in Darawalka Gaadhiga waday uu Kaantaroolada ku dhaafi jiray inuu gurmad caafimaad u socdo.

Warar kale oo aanu ka helnay arrintan ayaa tibaaxaya in Gaadhigan la fur-furtay Engine-kiisa, isla markaana qayb ka mid ah la bedeshay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Bilayska toona oo la xidhiidha arrintan, balse warku wuxuu intaa ku darayaa inay dhacdadani meel xaasaasi ah marayso, laguna maxkamaddeeyo eedeysaneyaasha xatooyada gaadhigan 



Contac@afkashacabka.com