Hargaysa:Madaxweyne Biixi Oo Diiday In Uu La Kulmo Madax-dhaqameedka Ka Yimid Bariga Sanaag Oo Muddo KU Sugan Hargeysa

0
Friday April 19, 2019 - 14:29:43 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Madaxweyne Biixi Oo Diiday In Uu La Kulmo Madax-dhaqameedka Ka Yimid Bariga Sanaag Oo Muddo KU Sugan Hargeysa

    Hargaysa:Madaxweyne Biixi Oo Diiday In Uu La Kulmo Madax-dhaqameedka Ka Yimid Bariga Sanaag Oo Muddo KU Sugan Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Madaxweyne Biixi Oo Diiday In Uu La Kulmo Madax-dhaqameedka Ka Yimid Bariga Sanaag Oo Muddo KU Sugan Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka gaws adaygaya in uu la kulmo Madax-dhaqameed ka soo kicitimay gobolka bariga gobolka Sanaag oo ku sugan magaalada Hargeysa.

Madax-dhaqameedkan ka soo kicitimay degmooyinka Badhan, Dhahar iyo Laasqoray ayaa muddo laba toddobaad ah ku sugan Hargeysa ayaa aan wali ku guulaysan muhiimadii ay u yimaadeen magaalada Hargeysa.

Afar ka mid ah madax-dhaqameedkan waftiga hoggaaminaya oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la kulmay ka hor intii aanu safar ku tagin magaalada Berbera ayaa balan rasmi ah uga soo qaaday wakhtiga iyo wakhtiga uu la kulmi doono balse ma ay fulin balantaasi.

Madax-dhaqameedka oo degan hudheel ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ka cadhoodeen ka dib markii ay maanta ku war heleen in Madaxweynuhu uu safar ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta iyada oo balantu ahayd in uu maanta la kulmo hore uu u baajiyay kulan dhex mari lahaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo deegaan ahaan ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag kana mid ah mas’uuliyiin ka shaqeeyay in Madax-dhaqameedkani ay Hargeysa yimaadaan ayaa 3 maalmood ka hor sheegay in Madaxweynuhu uu madax-dhaqameedka la kulmi doono maanta oo khamiis ah balse kulankaasi ma dhicin waxaanu yidhi "waxa ay madaxweynaha la kulmayaan maalinta Khamiis (maanta), sidaa la socotaan Madaxweynuhu waxa uu gaaban ayuu ku gaadhay Berbera marka uu ka soo noqdo waxa uu balanqaaday in uu la kulmo isaga oo nasan” ayuu Sahal Maxamed Jaamac.

Waftigan Madax-dhaqameedka ahi intii ay ku sugnaayeen Magaalada Hargeysa waxa uu kulamo la qaadeen hadhimo sharafeed ah la qaateen, qaybo ka mid madax-dhaqameedka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba ha ahaatee Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedkan ayaa hore tabasho badan uga qabay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.