Xogo Laga Helayo Kulan Dhex Maray Madaxwenayaasha Biixi Iyo Dani +Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

0
Sunday April 21, 2019 - 12:07:58 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Laga Helayo Kulan Dhex Maray Madaxwenayaasha Biixi Iyo Dani +Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Xogo Laga Helayo Kulan Dhex Maray Madaxwenayaasha Biixi Iyo Dani +Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Laga Helayo Kulan Dhex Maray Madaxwenayaasha Biixi Iyo Dani +Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto magaalada Hargeysa, ka dib socdaal qaatay saddex habeen oo uu ku tagay dalka UAE.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi iyo weliba masuuliyiinta uu la kulmay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu jirin war la isla dhex marayo oo sheegaya inay dalka UAE ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, "Ma jiro kulan dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Puntland.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay isku gaadheen dalka UAE, laakiin lama oga in socdaalkoodu ahaa qorshe ay dawladda UAE doonaysay inay ku kulansiiso labada masuul iyo in kale.