Somalia:-Goob Hubka Lagu Kaydiiiyo Ka Gubatay Dalka Somalia Iyo Khasaraha Ka Dhashay.
Somalia:-Goob Hubka Lagu Kaydiiiyo Ka Gubatay Dalka Somalia Iyo Khasaraha Ka Dhashay.
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dab qabsaday saakay Bakhaar lagu keydiyo hub kaa oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Docol 40km u jira magaalada Gaalkacyo.
Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, kaa oo saameyn weyn ku yeeshay qeybo ka mid ah Bakhaarka, taasoo keentay in ay qarxaan qaar ka mid ah hubkii halkaa ku keydsanaa.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug oo ku aadan dabka`ka kacay Bakhaarkan ku yaalay deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan oo ahaa mid xooggan.
Somalia:-Goob Hubka Lagu Kaydiiiyo Ka Gubatay Dalka Somalia Iyo Khasaraha Ka Dhashay.
Somalia:-Goob Hubka Lagu Kaydiiiyo Ka Gubatay Dalka Somalia Iyo Khasaraha Ka Dhashay.