Dubai:-Sucuudiga iyo UAE oo 3 Bilyan oo Doolar ugu Yaboohay Suudaan

0
Monday April 22, 2019 - 10:07:16 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dubai:-Sucuudiga iyo UAE oo 3 Bilyan oo Doolar ugu Yaboohay Suudaan

    Dubai:-Sucuudiga iyo UAE oo 3 Bilyan oo Doolar ugu Yaboohay Suudaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dubai:-Sucuudiga iyo UAE oo 3 Bilyan oo Doolar ugu Yaboohay Suudaan Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa sheegay inay Saddex Bilyan

 

 

 

oo Doolar ugu deeqayaanhorumarinta dalka Suudaan, kadib markii dhawaan Millatarigu xukunkii ka tureen Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo dalkaas xukumayey muddo Soddon Sanno ku dhow.

 


 

 

Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in 500 oo Milyan oo doolar ay ku shubayaan Baanka dhexe ee Suudaan, halka lacagta kalena ay u qoondeeyeen inayku siiyaan Cunto iyo Dawooyin.


Wakaalladda Wararka Sucuudiga ayaa ku warrantay in ay tallaabadaas u qaadayaan si wax looga qabto qiime dhaca ku yimid lacagta Suudaan loonaxasiliyo sicir bararkii ka jiray dalkaas.


Deeqda lacageed ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ugu deeqeen dawladda Millatarigu xukumo ee Suudaan waa deeqdii ugu horreysay ee nooceeda ah caalamku ku taageero dawladda Suudaan.


Sucuudiga iyo Imaaraadku waxay ugu baaqeen dawladda cusub ee Suudaan inay ka qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka ka wada Yeman.