Muqdisho:-"Dowladdu waxey diyaar u tahay in la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaaminneed leh"Wasiir Geelle

0
Tuesday April 23, 2019 - 12:07:13 in by salman abdi
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-"Dowladdu waxey diyaar u tahay in la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaaminneed leh"Wasiir Geelle

    Muqdisho:-"Dowladdu waxey diyaar u tahay in la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaaminneed leh"Wasiir Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-"Dowladdu waxey diyaar u tahay in la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaaminneed leh"Wasiir Geelle

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay shir magaalada Nairobi ugu soo dhamaaday siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xisbiyada mucaaradka ayaa ugu baaqay sida uu hadalka u dhigay in ay [ Orodka mucaaradnimada dhimaan]

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu mar walba garwaaqsan tahay doorka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, hasse ahaatee waxba micnaha soo kordhin doonin sida uu hadalka u dhigay mucaaradnimo la doonayo in wax lagu dumiyo.

 

‘’Dowladu waxey hadda waddaa isku raadinta dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaan leeyahay siyaasiyiinta ka tanaasula mucaaradnimada, haddiise aydan ka tanaasuleynin Orodka haka badan-nina’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Geelle ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaamineed leh in ay dowladda soo hor fariistaan,isla markana ay ka wada hadlaan Soomaali ahaan masaalixda Ummadda Soomaaliyeed wax walbana dhameeyaan

Kulankii maalintii shalay ku soo dhamaaday magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin mug iyo miis ku dhax leh saxada siyaasada Soomaaliya iyo qaar ka mid hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, iyaga oo eedeymo culus u soo jeediyay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.