Afrika:Kooxda Bayern Munich Oo Akadeemiyad Ka Fureysa Africa

0
Wednesday April 24, 2019 - 09:42:17 in by salman abdi
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afrika:Kooxda Bayern Munich Oo Akadeemiyad Ka Fureysa Africa

    Kooxda Bayern Munich Oo Akadeemiyad Ka Fureysa Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Bayern Munich Oo Akadeemiyad Ka Fureysa Africa

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Yurub, ayaa la saxiixatay xidhiidhka kubadda cagta dalka Itoobiya, heshiis u ogolaanaya in ay magaalada Addis Ababa ay ka furato akadeemiyaddeedi ugu horreysay ee ay ka hirgeliso qaaradda Africa.

Maamulka Bayern Munich ayaa VOA-da qeybta la hadasho Itoobiya u sheegay, in mashruucani ay ku dhaqaaqeen, kaddib marki ay arkeen dhalinyarada da’da yar ee ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaasheeda tirada badan ee ku nool dalka Itoobiya.

Itoobiya kuma wanaagsana kubadda cagta, waxaana xulkooda uu kaga jiraa qiimeynta FIFA ee dalalka ugu wanaagsan kubadda cagta dunida, darajada 150-aad. Hase ahaatee, waxaa hadda jira dhalinyaro aad u da’yar oo mustaqbal ku leh kubadda cagta.

Holger Quest, oo ah madaxa qeybta warbaahinta ee kooda Bayern Munich ayaa isaga oo jooga dalka Itoobiya, VOA-da u sheegay in saddex marki loo qeybiyo shacabka dalka Itoobiya ay labo ka mid ahi ay da’dooda ka yartahay 25 sano. Sidaasi daadeedna ay Itoobiya ka taageeri doonaan horumarinta iyo tababarrida dhalinyarada jecel kubadda cagta.

Todobaadki hore, gudoomiyaha gobolka Bavaria oo ah halka ay ka dhisantahay Bayern Munich ninka la yiraahdo Markus Soeder, xubno ka socday golaha deegaanka gobolkaasi iyo qaar ka mid ah xubnaha fulinta maamulka Bayern Munich ayaa tagay magaalada Addis Ababa, iyaga oo heshiis saxiixday xiriirka kubadda cagta Itoobiya si loo furo akadeemiyad dhanka kubadda cagta ah oo ay Bayern ku yeelan doonto marki ugu horreysay Qaaradda Africa.

FC Bayern Munich ayaa horay usoo saartay ciyaartooy caan ka noqotay dunida kubadda cagta. Kuwa hadda ciyaara ee kasoo baxay dugsigeeda kubadda cagta ayaa waxaa ka mid ah Thomas Mueller, Mats Hummels iyo Toni Kroos Kolgers.

Isaga oo khadka telefoonka kula hadlayay VOA-da ayuu gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Itoobiya Esayas Jira sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan tababarka ay u soo bandhigtay FC Bayern.

Jira, wuxuu intaasi raaciyay in akadeemiyadda kubadda cagta ay qaadan doonto hadda 30-ilaa 40 canug oo da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 9 sanno, kuwaas oo kharashka ku bixi doona ay bixin doonto Bayern Munich.

Dhalinyaradaasi ayaa fursad u heli doona inay toos ugu biiraan akademiyadda tababarka ee kooxda Bayern ee dalka Jarmalka haddii ay si wanaagsan u dhameystaan tababarka.

FC Bayern oo shan jeer ku guuleysatay koobka Kooxaha Horyaalada Yurub, ayaa iskuullo lagu tababaro carruurta ku leh dalalka China, Thailand, Japan, Singapore iyo dalkaan Mareykanka.