Awdal:Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadleh Oo Ka Hadlay Xaaladda Ganacsiga Sarrifka Maciishadda Iyo Mashaariicda Gobolka Awdal Ka Socota.

0
Wednesday April 24, 2019 - 12:08:34 in by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awdal:Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadleh Oo Ka Hadlay Xaaladda Ganacsiga Sarrifka Maciishadda Iyo Mashaariicda Gobolka Awdal Ka Socota.

    Awdal:Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadleh Oo Ka Hadlay Xaaladda Ganacsiga Sarrifka Maciishadda Iyo Mashaariicda Gobolka Awdal Ka Socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awdal:Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadleh Oo Ka Hadlay Xaaladda Ganacsiga Sarrifka Maciishadda Iyo Mashaariicda Gobolka Awdal Ka Socota.

Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadleh Oo Ka Hadlay Xaaladda Ganacsiga,Sarrifka,Maciishadda,Dakhliga Iyo Mashriicda Gobolka Awda Ka Socota.



Hargaysa(HWN)Guddida Maaliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta kormeer ku soo maray Xafiisyada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha ee Gobolka Awdal Siiba Magaaladda Boorame.


 

 

Gudoomiyha Wefdiga Guddida Dhaqaalaha, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo saxaafadda u waramay ayaa ka Hadlay ujeedada safarka Guddida isagoo sheegayna "waxaanu u joognaa hawlqabadkii Dastuuriga ahaa ee Golaha Wakiilada ee ahaa kormeerka iyo hubinta habsami u socodka hawlaha Xukuumadda”


Xildhibaan Siraadle oo sii faahfaahinaya Kormeerka ayaa tilmaamay inay Wasaaradahan ka xog waraysteen "Xaaladda Ganacsiga, sarrifka, maciishadda, Dakhliga, Maalgashiga iyo mashaariicda ka socota Gobolka Awdal”.


Dhanka kale,Gudoomiyaha Wefdiga, Mudane Siciid Maxamed Cilmi Siraadle, ayaa si weyn u amaanay hawl-wadeenada Wasaaradaha Horumarinta Maliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Awdal isagoo sheegay "inay Maaliyadda u suuragashay inay si buuxda u gaadheen Qoondadii Dakhliga ee Saddex Biloodkii Koowaad ee sannadkan; halka ay Ganacsiguna bilaabeen inay dib u habayn ku Wadaan xafiisyadooda iyo hawl-qabadkooda markii ugu horeysey”.


Xildhibaan ayaa Siraadle ayaa warfidiyeenka u sheegay inay Guddidu warbixin iyo talooyin tifaftiran u gudbin doona Shirgudoonka iyo Golaha Wakiilada dhowaan.