Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

0
Wednesday April 24, 2019 - 16:21:30 in by salman abdi
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

    Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Boosaaso
Saddex askari ayaa ku dhaawacmay qarax lagu aasay waddada dhinaceedda oo ka dhacay magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

 

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu lahaa guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), balse saraakiishu waxaa ay sheegeen inuusan guddoomiyaha la socon xilliga la qarxiyay gaariga,iyadoo askarta ku dhaawacnay la sheegay inay ahaayeen ilaalada guddoomiyaha gobolka.

Ciidanka amniga ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahayd waddo aad mashquul u ah, waxaana ay ciidammadu sameeyeen baaritaan, balse lama sheegin cid loo soo qabtay qaraxa oo ahaa miino waddada lagu aasay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxan, balse wuxuu ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ciidanka amniga ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadeen magaalada Boosaaso.