Sri Lanka:Daacish Oo Soo Bandhigay Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Boqolaalka Qof Ku Dhinteen Ee Sri Lanka

0
Thursday April 25, 2019 - 10:19:29 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sri Lanka:Daacish Oo Soo Bandhigay Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Boqolaalka Qof Ku Dhinteen Ee Sri Lanka

    Sri Lanka:Daacish Oo Soo Bandhigay Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Boqolaalka Qof Ku Dhinteen Ee Sri Lanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sri Lanka:Daacish Oo Soo Bandhigay Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Boqolaalka Qof Ku Dhinteen Ee Sri Lanka

-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaalka kooxdii fulisay weeraradii is qarxinta ahaa ee Axadii la soo dhaafay ka dhacay dalka Sri Lanka, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan saddex boqol oo qof.

Muuqaalkan oo ay ka dhex muuqdeen illaa sideed qof oo wajiga u xirnaa iyo hoggaamiyahooda ayaa waxay bayco ama balan la galayeen Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, iyagoo sheegaya inay awaamiirtiisa fulinayaan.

Kooxdan ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood iyo saddex Hoteel caan ah, waxaana labo ka mid ah dadka is qarxiyay ku jiray labo walaalo oo ka soo jeeday Qoys caan ku ah Ganacsiga.

ISIS ayaa sheegtay in weeraradaas ka dambeyso, hase ahaatee dowladda Sri Lanka ayaa sheegtay in weerarkan ay qaaday Koox Maxali Xagjir ah.

In ka badan 60 ruux ayaa loo xiray qaraxyadan ka dhacay dalka Sri Lanka, waxaana la sheegayaa in weli lagu haayo baadigoob rag kale oo qeyb ka ahaa weeraradan.