Ururka Daacish Oo Qoorta Ka Gooyay Ninkii Afraad Ee Reer Galbeed Ah Oo Lagu Magacaabo Alan Henning .
Weriyayaasha ayaa ku warramaya in ninka wejiga duuban ee dilay Alan Henning uu la mid yahay kii madaxa ka jaray seddaxdii hore.
kooxda dowladda Islaamka ayaa siidaayay fiidiyow muujinaya iyagoo qoorta ka jaraya lahayste u dhashay dalka Britaine oo lagu magacaabay Alan Henning.
Mr Henning, oo 47 sano jir ahaa, sidoo kalena ahaa taksiile, ayaa la qabsaday bishii December, ee sanadkii tagay, xilli uu ka mid ahaa koox dareewalo ah oo kexeynaayay kolonyo gaadiid gargaar u siday Suuriya.
Dowladda Islaamka, oo dhul badan ka haysata Ciraaq iyo Suuriya, waxay kol hore dileen laba weriye oo u dhashay Mareykanka, iyo David Haines oo u dhashay Britain kana shaqeyn jiray howlaha gargaarka.