Hargaysa:Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamadda La Horkeenay Lagana Hor Akhriyay Eedaha loo haysto.

0
Saturday April 27, 2019 - 11:12:44 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamadda La Horkeenay Lagana Hor Akhriyay Eedaha loo haysto.

    Hargaysa:Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamadda La Horkeenay Lagana Hor Akhriyay Eedaha loo haysto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamadda La Horkeenay Lagana Hor Akhriyay Eedaha loo haysto. Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamadda La Horkeenay Lagana Hor Akhriyay Eedaha loo haysto.

 

 

Hargaysa(HWN)Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa saaka la horkeenay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo Dhawaan Ciidanka Amaanka Ka Soo Xidheen gurigiisa oo ku yaala magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer.


Eedaha Loo Haysto Wariye Cabdi Maalika ayaa qaar ka mid ah saaka laga hor jeediyay fadhigii lagu dhagaysanayay dacwaddaha sida uu ku waramayo Garyaqaan Mubaarig Cabdi oo ah garyaqaanka u doodaya Wariyaha.


 

 

Garyaqaan Mubaarig oo qoraal uu kaga hadlayo dacwadda loo haysto ayaa sheegay in boolisku eedaha ay sopo bandhigeenm yihiin qaar ka horimanaya xoriyatul Qowlka hadal waxaana uu ku bilaabay.


Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxkamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdil Maalik Muusa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay,waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn ka mid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jig jiga oo uu qoraal ku dul qoray .


Iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado.


Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay .


Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxkamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad.


FG:Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin.