War Deg Deg Ah:-Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
War Deg Deg Ah:-Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madaallada ayaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, oo ka mid ahaa Wariyayaasha TVga iyo Idaacada Qaranka muddo dheerna ku soo dhax jiray warbaahinta.
Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilka ka qaaday Maariyihii Golaha Muritada iyo Madaallada [National Tiyatar] Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.
Mas’uulka xilka laga qaaday Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah agaasimaha Warbaahinta Kulmiye ayaa warar kala duwan lagu macneynayaa xil ka qaadistiisa.
Wararka qaar ayaa sheegay in Abwaan Guure uu eersaday war ku saabsanaa in uu xilka is casilayo ra’iisal wasaare Kheyre oo laga sii daayay Warbaahinta uu Agaasimaha ka yahay ee Kulmiye.
War Deg Deg Ah:-Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
War Deg Deg Ah:-Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay