Sanaag:Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Maxay Ka Yidhaahdeen Xukunka Deg Deg Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Soo Rogay?

0
Wednesday May 01, 2019 - 19:04:23 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanaag:Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Maxay Ka Yidhaahdeen Xukunka Deg Deg Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Soo Rogay?

    Sanaag:Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Maxay Ka Yidhaahdeen Xukunka Deg Deg Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Soo Rogay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaag:Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Maxay Ka Yidhaahdeen Xukunka Deg Deg Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Soo Rogay?

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa si kooban uga hadlay xaaladda degdegga ah ee madaxweynaha Somaliland ku soo rogay magaalooyinka Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag waxaanu sheegay in uu arrintaasi saxaafadda ka maqlay haddana aanu wax tafaasiil ah ka bixinayn mawqifkiisa arrintan ku aaddan.

 

Image result for tiimbaro, muuse biixi iyo ismaaciil xaaji nuur
 


 

"Adeeraw sidaad xaaladdaa degdegga ah u maqashay uun baan aniguna uga maqlay warbaahinta waxa jawaab ahna hada ka bixin maayo,” sidaas ayuu maayar Ismaaciil Xaaji Nuur u sheegay suxufi Badri Koosaar oo ka tirsan telefishanka Eryal oo khadka telefoonka kula hadlay.


Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbarow ayaa VOA-da u sheegay in ay hirgalinayaan xaaladda degdegga ah oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo ammaanka inta la soo qabanayo dablay hubaysan oo Salaasadii dilay laba sarkaal oo boolis ah.


Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in aanu hayn xal ka duwan bandowda uu galiyay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag waxaana arrintan ganafka ku dhuftay xisbiga WADDANI. Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ayaa baarlamaanka ugu baaqay in aanay kulankooda Khamiista ku ansixin xaaladdan degdegga ah.