Maxay Tahay Sababta Ay Gabadhan Soomaaliyeed Ku Mutaysatay Abaalmarinta FBI-da?

0
Tuesday May 07, 2019 - 09:20:38 in by salman abdi
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Ay Gabadhan Soomaaliyeed Ku Mutaysatay Abaalmarinta FBI-da?

    Maxay Tahay Sababta Ay Gabadhan Soomaaliyeed Ku Mutaysatay Abaalmarinta FBI-da?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Sababta Ay Gabadhan Soomaaliyeed Ku Mutaysatay Abaalmarinta FBI-da?

Maxay Tahay Sababta Ay Gabadhan Soomaaliyeed Ku Mutaysatay Abaalmarinta FBI-da? Deeqo Jibriil oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxay ka mid noqotay 57 qofoo abaalmarin lagu guddoonsiiyey munaasabad lagu qabatay xarunta weyn ee FBI Maraykanka, oo uu saldhigooda yahay Washington, D.C.


Abaalmarintan ayaa la siiyaa dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, isla markaana fuliya adeegyada kala duwan, kana qeyb qaata hormarinta bulshooyinka ay la noolyihiin.


 

 

 

Deeqo Jibril, waxa ay u o'lolaysaa arrimaha bulshada sida dadka qaxootiga, waxay sidoo kale ka shaqeysaa arrimaha dumarka iyo carruurta.


Gabadhan ayaa ku dhalatay Soomaaliya balse waxa ay u soo guurtay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, iyada oo 12 sano jir ah.


Waxa ay aasaastay ururka Soomaalida iyo dhaqanka, oo ay ujeedadooda ahayd in bulshada Soomaaliyeed ay isdhexgal la samayn karto dadka ku dhaqan dalka ay ku soo qaxeen, iyaga oo ilaalinaya dhaqankooda, diintooda iyo qiimahooda.

"Boston kama jiraan ururo dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed ka caawinaya inay isdhexgal la sameeyaan ama la qabsadaan nidaamka ka jra dalka ay ku soo qaxeen", ayey tiri Deeqo.

 
 
 


Soomaali badan oo qaxootinnimo ku tagay Mareykanka ayaa ku tallaabsaday horumar isugu jira dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha bulshada.


Gobolka Minnesota ayaa ka mid ah goobaha ay dadka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee xitaa ay ka mid yihiin ganacsiyada waaweyn.


Hase ahaatee, Madaxweyne Donald Trump ayaa horay u dhaliilay habdhaqanka Soomaalida ku nool dalkaas, wuxuuna u jeediyay eedeymo kala duwan.

Mar uu ka hadlaayay Minnesota wuxuu sheegay in Soomaalida dhibaato geeyeen Halkaas.


"Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoonan war u heyn ayay yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda Daacish. Waxayna xagjirnimada ku faafinaya dalkeena iyo dunida oo dhan."


Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.