Daawo:-Dablay Aan Haybtooda La Garanay Oo Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaalo Magalada Highlands Ranch Iyo Khasaraha Ka DHashay.

0
Wednesday May 08, 2019 - 12:11:35 in by salman abdi
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Dablay Aan Haybtooda La Garanay Oo Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaalo Magalada Highlands Ranch Iyo Khasaraha Ka DHashay.

    Daawo:-Dablay Aan Haybtooda La Garanay Oo Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaalo Magalada Highlands Ranch Iyo Khasaraha Ka DHashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Dablay Aan Haybtooda La Garanay Oo Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaalo Magalada Highlands Ranch Iyo Khasaraha Ka DHashay.

Sida ay laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AP, madaxda ciidanka booliiska gobolka Colorado ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in labo qofi ay ku dhaawacantay weerar toogasho ah oo ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Highlands Ranch.

Xafiiska Sheriffka ee degmada Douglas oo ay magaaladani ka tirsan tahay ayaa sheegay in askartu ay baadi goob ugu jirto qofkii ama dadkii wax toogtay, iyaga oo xaaladda ku sheegay mid wali khatarteedu jirto.

 

Toogashada ayaa ka dhacday dugsiga sare ee lagu magacaabo STEM, kaas oo ay dhigtaan tiro ka badan 1,850 arday, kuwaas oo ka kooban xadaanad iyo fasalada dugsiga sare.

Xafiiska Shariffka ayaa sheegay askartu ay gurmadeen iskuula saacadda markay ahayd 1:50 duhurkii, kaas oo 24km koonfur kaga beegan magaalada Denver.

Baabuurta dam-damiska, baabuurta gurmadka degdegga ah iyo baabuurta ciidanka booliiska ayaa goobta lagu arkayey. Waxaa kale oo la arkayey helicopterada gargaarka caafimaadka loogu talo galay oo ku soo degaya garoomada cagaaran ee iskuulka.

Shariffka ayaa waalidiinta ku jiheynayey xarun caruurta lagu hayey, si u qaataan.

VOA