Khartoum: Golaha Milatariga Sudan Iyo Dibadbaxayaasha Oo Heshiiyay

0
Wednesday May 15, 2019 - 14:07:36 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khartoum: Golaha Milatariga Sudan Iyo Dibadbaxayaasha Oo Heshiiyay

    Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacayadibadbaxayada dalkaasi ka socda ayaa ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacayadibadbaxayada dalkaasi ka socda ayaa ..  xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

 

General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka.


Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka.

 


Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan.

 


VOA.