Af-hayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Oo ka Qayb-galay Kulan ka dhacay Baarlamaanka Ingriiska Oo Loogu Dabaal Degayay 18 MAY.

0
Thursday May 16, 2019 - 15:28:24 in by salman abdi
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Af-hayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Oo ka Qayb-galay Kulan ka dhacay Baarlamaanka Ingriiska Oo Loogu Dabaal Degayay 18 MAY.

    Af-hayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Oo ka Qayb-galay Kulan ka dhacay Baarlamaanka Ingriiska Oo Loogu Dabaal Degayay 18 MAY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Af-hayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Oo ka Qayb-galay Kulan ka dhacay Baarlamaanka Ingriiska Oo Loogu Dabaal Degayay 18 MAY.

Afhayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga WADDANI Mudane Qasim A Saleebaan,

ayaa ka Qayb-galay Kulan ka dhacay Baarlamaanka Ingriiska oo loogu Dabaal-degayey 28 Guurada Gooni isu-taaga Somaliland.


 

 

Kulankan oo Ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Ingriiska ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xubno ka tirsan All-Party Parliamentary Group, ee Taageera Qadiyada Gooni-isu-taaga Somaliland.

 


Afhayenka oo Kulankan Qudbad Qiimo badan ka Jeediyey ayaa Cadeeyey in Fikir & Aragti kala duwanaansho Xisbiyada Somaliland ahi ay jirto sida Xisbiyada Dalkan ingriiskuba ugu kala aragti duwan yihiin Dooda ku saabsan ka bixida Yurub; Balse Afhayeenku wuxuu yidhi "Markasta oo aanu ka hadlayno Qadiyada & Ictiraaf raadinta Somaliland, Waanu ka midaysanahay".

 


Afhayeenka ayaa uga Mahadceliyey Xildhibaanadii ka tirsanaa Labada Aqal ee Ingriiska taageeradooda Gooni-isu-taaga Somaliland.

 


Afhayeenku wuxuu Xildhibaanada u sheegay in Shacabka Somaliland aysan marna ilaawi doonin kaalinta Saaxiibtinimo ee ay ugu jiraan.

 


Ugu dambayn, Afhayeenku wuxuu ka codsaday Xubnihii Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan sidii ay Arinta Aqoonsi raadis ee Somaliland u gaadhsiin lahaayeen meelo fogfog; sidoo kalena ugu samayn lahaayeen Saaxiibo badan oo kale.

 


Ahayeenka oo ku hadlayey Afka Xisbiga Waddani ayaa u cadeeyey in Xisbiga Waddani mar walba Sharaf & qaderin u hayo Xildhibaanadan is-xil-qaamay.

 


Afhayeenku wuxuu Shucuubta & Dalka Somaliland u rajeeyey in Sanadkan kiisa kale lagu gaadhi doono Aqoonsi Buuxa.

 

Kulankan ayaa ku soo gaba-gaboobay Jawi Qurux badan iyo Wejiyo Faraxsan

 


Af-hayeenka Yurub

Xisbiga Waddani

Qasim A Saleebaan