" Tijaartu Cashuurteena Ma Bixiso Ee Danyarta Ayaa Bixisa" Wasiir Maxamed Kaahin

0
Friday May 17, 2019 - 11:32:12 in by salman abdi
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Tijaartu Cashuurteena Ma Bixiso Ee Danyarta Ayaa Bixisa" Wasiir Maxamed Kaahin

    " Tijaartu Cashuurteena Ma Bixiso Ee Danyarta Ayaa Bixisa" Wasiir Maxamed Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Tijaartu Cashuurteena Ma Bixiso Ee Danyarta Ayaa Bixisa" Wasiir Maxamed Kaahin Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ganacsatada dalka ee waaweyni aanay cashuur bixin isla markaasna ay cashuurta ugu badan ee dalku ku kala socotaba ay bixiyaan dadka danyarta ah.


Wasiir Kaahin oo shalay hortagay guddiga joogtada ee golaha wakiilada, waxa hadaladiisii ka mid ahaa "Idinku shaqaale qaran ayaad tihiin intayadanina shaqaale qaran ayaanu nahay tijaartu cashuurteena ma bixiso ee danyarta ayaa bixisa,ilaa askariga iyo umulisada waxa bixiya danyarta habarta wadhatada fadhida, miyaa laynaga aqbalayaa inaan qaranka sidaas ku hogaamino oo ninkii lacagta lahaa laga baqo, nimankan iyagana waan ka shaqaynaa oo amnigooda ayaan ka shaqaynaa, guddoomiyaha baanka iyo wasiirka maaliyaduba waa uu ogyahay lacagahan xawaaladaha ee laysku cel celinaayo, baankeenu mid caalami ah maaha oo dawlad la aqoon san yahay maaha oo lacagteenu sida lacagaha aduunku ay isugu wareegaan isugu wareegi mayso shandado ayaynu ku sidnaa oo tuurta ayaynu ku sidnaa dawladuna way ogoshay baankuna waa uu ogol yahay, maaliyaduna waa ay ogoshay in maalin walba madaarkeena intaas oo boqol oo milyan ka soo degaan, dawlada kaliyaata ee aduunka sidaas u ogol,markaad meel marayso ee aad guul gaadho guushaadaas waa lagu mitidaa cidiyaha ayaa lagu dagaalamaa in aanad halkaas dhaafin.”